Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa wada-hadallo la furtay saddex weeraryahan oo ay midkood la saxeexan doonto bisha January, kaddib markii ay gool-dhalintu ku adkaatay Rasmus Hojlunad, Marcus Rashford iyo Antony.
Hojlund oo ay Manchester United xagaagii £72 milyan oo Gini kaga soo iibsatay kooxda horyaalka Talyaaniga ee Atalanta, ayaan wali wax gool ah ka dhalin horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, laakiin waxa uu shan gool ka dhaliyey tartanka ay ka hadhay kooxdiisu ee Champions League.
Manchester United oo afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee dhamaan tartamada aan wax goolal ah dhalin, ayaa waxa kale oo aanay kalsooni ku qabin Anthony Martial oo hal gool oo kaliya dhaliyey, Alejandro Garnacho oo mar kaliya shabaqa soo taabtay iyo Marcus Rashford oo laba gool dhaliyey xilli-ciyaareedkan oo dhan.
Wariyaha ciyaaraha Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyey, in Manchester United ay la saxeexan doonto weeraryahan cusub bisha January, waxaanay wada-hawdallo la bilaabeen wakiillada saddex ciyaartoy oo ay midkood xulan doonaan.
Donyell Malen oo weerarka uga ciyaara Borussia Dortmund, Serhaou Guirassy oo u dheela Stuttgart, noqdayna mucjisada goolasha Bundesliga ee xilli-ciyaareedkan iyo weeraryahankii hore ee Chelsea ee Timo Werner oo hadda u ciyaara RB Leipzig ayay Manchester United wada-hadallo kula jirtaa.