Mino Raiola ayaa xalay si lama filaan ah uga hadlay mustaqbalka xiddiga qadka dhexe reer France iyo kooxda Manchester United ee Paul Pogba, wuxuuna sheegay inuu ka tagayo xagaaga soo socda, si uu albaabka ugu furo kooxaha doonaya inay la saxiixdaan laacibka reer France.
Paul Pogba ayaa lumiyay booskiisa safka hore ee tababaraha reer Norway Ole Gunnar Solskjær dhawaanahan, taasoo ka dhigtay inuu doonayo ka tagista garoonka Old Trafford.
Kooxda reer Talyaani ee Juventus, iyo Real Madrid ayaa ah musharaxiinta ugu cad cad ee ku guuleysan kara saxiixa Paul Pogba oo xaqiijiyay inuu ka tagayo Manchester United xagaagii hore.
Haddaba Mino Raiola oo la hadlayay shabakada “Tuttosport” ee dalka Talyaaniga ayaa wuxuu yiri:
“Pogba wuu ku laaban karaa Juventus, kuma faraxsana Manchester United.”
“Paul kuma faraxsana kooxda Manchester United sababtoo ah ma awoodo hada in uu isku muujiyo sida uu doonayo, iyo sida laga filayo isaga, wuxuu u baahan yahay koox cusub oo jawiga wax ka badasha.”
“Waxaa kaga harsan qandaraaskiisa muddo hal xilli ciyaareed iyo bar ah, wuxuuna dhacayaa xagaaga 2022, waan arki doonaa waxa dhaca.”