Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hal milyan oo muslimiin ah ayaa maanta taagan Banka Carafo, si ay u gutaan Waajibaadka Xajka, sida ay xaqiijisay Wasaarada
Muslimiintaan ayaa ka kooban kuwa u dhashay dalka gudihiisa iyo kuwa ku noolba, iyo qeyb ka timid Caalamka intiisa kale.
Dadkaas ayaa waxa ay iskugu jiraan kuwa da’dooda u dhaxayso 18 sano illaa 65 sano.
Sanadkii hore ayaa waxaa xajiyay oo kaliya kumanaan Muslimiin ah kuwaa oo u dhashay Sacuudiga iyo kuwa iqaamadaha haystay ee ku noolaa gudaha dalkaasi sabab la xiriirta Covid-19.
Xujayda Sanadkaan ayaa aad uga yar marka loo eego sanadihii hore.