Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Milateriga Myanmar ayaa sheegay in ay lumiyeen gacan ku haynta magaalo ku taal waqooyiga dalkaasi oo ku taal xadka Shiinaha, kadib dagaalo maalmo qaatay oo ay kula jireen saddex qawmiyadood oo hubaysan oo dabada ka riixayay in ay helaan madax banaani.
Milatariga Myanmar ayaa ku dhawaaqay in dowladdiisa iyo hay’adaha ammaanka aysan hadda joogin Chinshwehaw, oo ah marin muhiim u ah ganacsiga gobolka Yunnan ee Shiinaha.
Beijing ayaa ku baaqday xabbad joojin. Waxa ay qorshaynaysay in ay dhisto isku xidhka tareen oo balaayiin dollar ku kacaya taas oo qayb ka ah hindisaheeda kaabayaasha Wadooyinka.
QM ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay in kumannaan qof ay ku barakaceen dagaallo la rumeysan yahay inay burburiyeen xarumaha korontada, taawarrada isgaarsiinta iyo buundooyinka.