Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Mikel Merino ayaa sheegay in guushii Bernabeu ay ku sii shiday Arsenal iyada oo aaminsan in ay Paris Saint-Germain ku garaaci karto Parc des Princes ayna gaadhi karaan finalka Champions League.
Arsenal ayaa aadi doonta Paris todobaadka soo socda iyaga oo u baahan in ay dhaliyaan gool Laga dhaliyay kulankii Ka dhacay Emirates lugta 1-aad ee wareega Semi Final-ka Champions League.
Ousmane Dembele ayaa dhaliyay goolka kaliya ee ciyaarta habeenkii Salaasada, Arsenal ayaana haatan dooneysa inay noqoto kooxdii seddexaad ee taariikhda Champions League u gudubta finalka ka dib markii lugtii hore ee semi-finalka looga soo badiyay garoonkooda.
Merino, si kastaba ha ahaatee, wuxuu aaminsan yahay in Gunners ay haysato waxa ay ku qaadato waxaana uu ku faraxsan yahay guushii ay Arsenal dhawaan ka gaartay Bernabeu.
Kooxda Mikel Arteta ayaa 2-1 ku garaacday Real Madrid horraantii bishaan, taas ayaana ka dhigtay mid ay ku kalsoon yihiin ka hor safarka Paris.
“Khibradadaasi aad ayay noogu badan tahay si aan u cadeyno inaan ku guuleysan karno meel kasta, Bernabeu, oo aan ka hortageyno koox kasta oo Premier League ah sidoo kale, waxay na siineysaa kalsooni badan,” ayuu yiri Merino.
“Paris waa meel adag in la aado, laakiin wali waxaan cadeynay inaan mar walba la tartami karno qof walba, iyadoo ixtiraam mudan qof walba, waxaan u maleynayaa inaan ku guuleysaneyno lugta labaad.
“Waa maxay sababta aan u rajo qabo? Hagaag, iyada oo ku saleysan wixii aan arkay caawa, waxaan u maleynayaa inaad aragtay koox la tartami karta koox weyn sida Paris”.