Mikel Arteta oo Sharaxay Sababta Uu Xiddigo Badan Ugala Soo Saxiixday Chelsea.

0
18

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Mikel Arteta ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay waxa uu Noni Madueke u keeni doono Arsenal isaga oo sharaxay sababta ay kooxdu ciyaartoy badan ugala soo wareegtay kooxda Chelsea intii uu joogay.

Madueke ayaa ku biiray Arsenal todobaadkii hore isaga oo kaga soo biiray Blues heshiis ugu dambayn ku kacaya 52 milyan oo euro.

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ayaa ah ciyaaryahankii labaad ee Chelsea ee ku soo biira Gunners xagaagan, isagoo raacay wadadii goolhaye Kepa Arrizabalaga, iyo kii lixaad intii lagu jiray waqtigii Arteta.

Arsenal ayaa hore u dhamaystirtay saxiixa Jorginho, Kai Havertz iyo Willian, halka ay sidoo kale amaah kula soo wareegeen Raheem Sterling xagaagii hore.

Waxaana la weydiiyay sababta ay Arsenal dhowr ciyaaryahan ugala soo wareegtay Chelsea dhawaan, Arteta wuxuu yiri: “Malaha sababtoo ah waxay heystaan ciyaartoy waa weyn, iyo ciyaartoy badan.

“Laakiin, haa, waxaan isku dayeynaa inaan diirada saarno ciyaartoyda aan dooneyno inaan lasoo saxiixno, iyadoo aan loo eegin kooxda ay joogaan”.

“Noni, aad iyo aad ayaan u faraxsanahay. Waxaad aragteen falcelinta ciyaartoyda oo dhan, gaar ahaan kuwa aad u yaqaana. Hadda waxa uu u baahan yahay nasasho yar, laakiin waxa uu nala joogi doonaa dhawaan isagoo muujinaya waxa uu kooxda ku soo kordhin doono.”