Waxa uu Mikel Arteta canaan u soo jeediyey xiddigihiisa, waxaana uu sheegay in markii ugu horreysay muddo 11 bilood ah oo uu ahaa macallin Arsenal uu dareemay in kooxdiisa Gunners aysan u ciyaarin sidii naadi caadi ah.
Kooxda reer London ee Arsenal ayaa isbuucii hore waxa ay guul ka soo gaartay Manchester United, laakiin waxaa u bedeshay guuldarro xanuun badan oo Aston Villa ay ku gaarsiisay garoonka Emirates, isla markaana uga adkaaday 3-0.
Dhammaadkii ciyaarta Arteta ayaa la hadlay warbaahinta waxaana uu xiddigaha kooxdiisa ku eedeeyey inay ka liitaan heerkii laga doonayey inay joogaan, laakiin isagu uu dhabarka saaranayo masuuliyadda guuldarrada.
“Si ka hooseysa heerkayagii ayaan u ciyaarnay, waana inaan sheego in markii ugu horreysay aan arkay annagoo u ciyaarayna si aan koox ahayn.” ayuu yiri Macallin Mikel Arteta.
Hoggaamiyaha Gunners ayaa hadalkiisa intaa ku daray: “Masuuliyadda oo dhan aniga ayaa qaatay, si ku filan kuma anaan bilaabanin, VAR ayaa naga saartay xaalad garab dhaaf ah, laakiin waxaanu luminay tartan kasta, kubbadaha sare iyo kubadda oo liidatay.
“Markii aan fursado abuurnay, bartilmaameedka maanaan garaacin, dhabtii waa wax aan fiicnayn, meelo bannaan ayaan ka tagnay, waxaanan u muuqanay kuwo dayacan.”
Si kastaba ha noqotee kooxda Aston Villa ayaa hore u soo garaacday Liverpool oo ay 7-2 ku dhufatay bilowgii horyaalka, waxaana ay kooxdani ku jirtaa xilli ciyaareed qurux badan iyagoo min 15 dhibcood la wadaaga Chelsea oo ku jirta kaalinta shanaad.