Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Mikel Arteta ayaa sheegay sirta ka danbeysa guulaha Pep Guardiola inay tahay inuu u shaqeeyo si ka adag tababarayaasha kale ee kubada cagta.
Labada tababare ayaa si fool ka fool ah ugu tartamaya hanashada horyaalka Premier League iyadoo Arteta uu doonayo in 20 sannadood ka dib uu koobka horyaalka ka dejiyo Arsenal islamarkaana uu soo gabagabeeyay seddexdii sannadood ee uu isku xigta ee uu Guardiola kooobka qaaday.
Arteta iyo Guardiola ayaa si fiican isku garanaya, madaama ay isku meel ka yimaadeen. Xaqiiqdiina Arteta waxa uu ka soo baxay akadeemiga Barcelona 1999kii markii Guardiola uu ka ciyaarayay Camp Nou ka hor inta aysan ku midoobin Man City iyadoo Arteta uu caawiye u ahaa Guardiola.
Arteta ayaa hatan shaaciyay inuu garanayo sida ka danbeysa guulaha Pep Guardiola tan iyo markii uu tababare u noqday Barcelona 2008dii.
“Dhaawac xun ayaa igu soo gaaray Everton, muddo dheer ayaan maqnaa. Durbadii waxaa igu soo dhacday inaan noqdo tababare. Pep Guardiola ayaa ila soo xiriiray waqtigaas, wuxuuna doonayay inaan qeyb ka noqdo shaqaalihiisa tababarka.
“Waxaan garanayaa Guardiola tan iyo markii aan 15 sanno jir ahaa. Waxaana ciyaarta u aragnaa qaab isku mid ah sababtoo ah waxaan wax ku soo baranay akadeemik isku mid ah. Aniga ahaan Pep wuxuu ila yahay hanad, wuxuuna u shaqeeya si ka adag tababare kale oo aan abid arkay. Taas ayaana ah sirta guulihiisa, disibiliinka iyo joogeynta shaqada uu hayo.”
Guardiola ayaa ka mid ah tababarayaasha ugu guulaha badan kubada cagta, isagoo rikoodhyo badan ku soo dhigay Barcelona, Bayern Munich iyo City, wuxuu ku guuleystay 11 horyaal, seddex Champions League iyo koobab kale oo Yurub iyo maxali ah.