Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Miisaaniyadda mushaharaadka ay kooxaha lixda waaweyn ee Premier League ugu talo galeen xiddigahooda xilli ciyaareedkan 2020-21 ayaa daaha laga rogay iyadoo ay naadiga Manchester City bixiso mushaharaadka ugu badan sida laga soo xigtay suxufiga Martyn Ziegler.
Miisaaniyadda mushaharaadka ee naadiga Man City xilli ciyaareedkan ayaa gaareysa 355 milyan oo gini iyadoo 12 milyan oo gini ka sarreysa naadiga kusoo xigta ee Chelsea, halka Manchester United ay booska saddexaad soo ciriirsatay maadaama ay xagaagii 2021 lasoo saxiixatay Cristiano Ronaldo, Jadon Sancho iyo Raphael Varane.
Si kastaba ha ahaatee, halkan hoose kaga bogo lixda koox ee waaweyn ee horyaalka Premier League iyo miisaaniyaddooda mushaharaadka fasalkan:-
1- Manchester City – £355m
2- Chelsea – £343m
3- Manchester United – £323m
4- Liverpool – £314m
5- Arsenal – £244m
6- Tottenham Hotspur – £205m