Midowga Yurub oo Trump uga digay dagaal ganacsi.

0
31

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub oo Isniinta maanta ah ku kulansan Brussels ayaa uga digay Mareykanka in aysan jirin cid ka faa’iidaysa dagaal ganacsi, iyagoo ku celceliyay in ay qaadi doonaan tallaabooyin aargoosi ah haddii Madaxweyne Donald Trump uu ku soo rogo tacriif ama canshuur.

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa sheegay in Midowga Yurub ay tahay inuu muujiyo cududdiisa haddii Madaxweyne Donald Trump uu fuliyo gooddintiisa ah inuu Midowga Yurub ku beegsado canshuuro isdaba joog ah.

Tan iyo markii Trump dib la doortay bishii November, Brussels waxay ka shaqeyneysay sidii loo kala duwi lahaa iskaashiyada ganacsi, iyadoo toddobaadyadii la soo dhaafay ku dhawaaqday heshiis ganacsi oo la xoojiyay oo lala galay Mexico iyo dib u bilaabidda wadahadallada ku saabsan heshiis ganacsi xor ah oo lala galayo Malaysia.

Sannadkii 2018-kii, xilligii muddo xileedkiisii hore, Trump wuxuu canshuuro saaray dhoofinta birta iyo aluminiumka ee Yurub – taasoo keentay in Midowga Yurub uu kaga jawaabo canshuuro ka sarreeya.