Midowga Yurub oo shirkadda Apple ku amray inay bixiso €13bn oo canshuur ah.

0
40

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Komishanaha tartanka ee midowga Yurub ayaa ku tilmaamay laba go’aan oo ka dhan ah Shirkadaha tiknoolijiyada ee laga leeyahay dalka Mareykanka inay yihiin guulo waaweyn oo u soo hoyatay muwaadiniinta Yurub.

Margrethe Vestager ayaa sheegtay in go’aanka maxkamadda ugu sarreysa ee midowgay Yurub ee ah in Apple lagu amray inay bixiso qaan canshuureed gaareysa 14-Bilyan oo doollar oo ay ku leedahay Ireland, ay tahay guul caddaaladded oo dhanka canshuuraha ah.

Go’aankaan waxa uu xaqiijiyay go’aan ay Komishanku gaareen siddeed sano ka hor.

Maxkamadda ayaa sidoo kale komishinka ku taageertay kiis kalsooni darro ahaa oo ee ay ka soo gudbisay Google.

Waxay diidday codsi ka yimid Google (iyo shirkaddeeda hooyo, Alphabet) oo ka dhan ahaa ganaax 62-Bilyan oo doollar ah oo lagu soo rogay iyadoo la adeegsanayo booskeeda xooggan ee raadinta internetka.