Midowga Yurub oo Israa’iil ka qaadaya tallaabooyin adag sababa la xiriira xaaladda Qasa.

0
37

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Guddiga Midowga Yurub ayaa shaaca ka qaaday qorshayaal lagu xaddidayo ganacsiga Israel, laguna soo rogayo cunaqabatayn wasiirrada xagjirka ah ee ku jira xukuumaddeeda, taas oo – haddii la ansixiyo – noqon doonta jawaabta ugu adag ee Midowga Yurub ka bixiyo dagaalka Qasa.

Qorshayaasha, oo ay shaacisay Madaxweynaha Guddiga Ursula von der Leyen toddobaadkii hore, waxay joojinayaan qodobada ganacsiga la xiriira ee Heshiiska Iskaashiga EU iyo Israel.

Tani waxay ka xayuubin doontaa alaabada Israel fursadda gaarka ah ee ay u helaan suuqyada Yurub, iyadoo canshuur lagu soo rogi doono balaayiin Yuuro ah alaabada loo dhoofiyo – gaar ahaan wax soo saarka beeraha sida timirta iyo liinta.

Laakiin in kastoo luqaddu xooggantahay, tallaabooyinkan uma muuqdaan kuwo meel mari doona, waxaana Israel ku tilmaantay “kuwo anshax ahaan iyo siyaasad ahaan qalloocan”