Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Guddiga Midowga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa Talaadada maanta ah soo bandhigtay qorshe shan qaybood ka kooban oo loogu talagalay in lagu abaabulo ilaa 800 bilyan oo Euro si loo xoojiyo difaaca Yurub—iyo in si degdeg ah gargaar militari loogu fidiyo Ukraine, kadib markii Mareykanka hakiyay kaalmadii uu siin jiray Kyiv.
“Waqti cusub ayaa ina sugaya,” ayay ku sheegtay warqad ay u dirtay hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub, labo maalmood ka hor shir-madaxeed la filayo in lagu adkeeyo dadaallada wadajirka ah ee lagu taageerayo Ukraine iyo sugidda amniga Yurub mustaqbalka fog.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si toos ah ula xiriiray Ruushka si uu xal uga gaaro dagaalka Ukraine, taasoo mugdi gelisay mustaqbalka Kyiv isla markaana Yurub gelisay xaalad walaac leh.
Shir-madaxeedka Brussels ee dhici doona maalinta Khamiista kaasoo daba socda wada-hadallo degdeg ah oo dhamaadkii usbuucii hore lagu yeeshay Britain iyo NATO—ayaa imanaya xilli Yurub ay wajahayso suurtagalnimada in Mareykanka uu dib uga gurto taageeradiisa muddada fog ee Ukraine iyo guud ahaan xulafadiisa Yurub.