Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Midowga Yurub ayaa Arbacada maanta ah ku dhawaaqay tallaabooyin ganacsi oo aargudasho ah, iyagoo soo rogay cashuuro cusub oo lagu kordhinayo badeecadaha warshadaha iyo wax-soo-saarka beeralayda Mareykanka.
Tallaabadan ayaa ka dambeysay kaddib markii maamulka madaxweyne Donald Trump uu sare u qaaday dhammaan cashuuraha birta iyo aluminium-ka la keeno Mareykanka, taasoo lagu kordhiyey 25%.
Midowga Yurub, oo horey u filayey go’aankan, ayaa diyaarsaday tallaabooyin jawaab celin ah. Si kastaba ha ahaatee, arrintani waxay si weyn u kordhinaysaa xiisadaha horeyba uga jiray xiriirka ganacsi ee labada dhinac.
Bishii hore, Washington waxay uga digtay Yurub in ay mas’uul ka noqon doonto amnigeeda mustaqbalka.
Dhinaca kale, Britain oo ka baxday Midowga Yurub, waxay sheegtay inaysan qorsheynin inay qaado tallaabooyin aargoosi ah oo ka dhan ah Mareykanka.