Mid kamid ah Golaha Wasiirada Puntland oo geeriyooday

0
164

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wararka laga helayo Magaalada Garoowe ayaa waxaa ay sheegayaan in Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Hawlaha guud iyo Gaadiidka Puntland, Asad Xuseen Xaashi uu saaka ku geeriyooday magaalada Garoowe, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaraddaas.

Marxuumka oo sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay ku xanuunsanaa Garoowe, ayaa sida la xaqiijiyay u geeriyooday xanuunka COVID-19.

Mas’uuliyiin ka tirsan Madaxda Sare ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Hawlaha guud iyo Gaadiidka Puntland, Asad Xuseen Xaashi.