Mid kamid ah Dhaqaatiirta Deegaanka Dhoobley oo ka digay isticmaalka badan ee baraha bulshada.

0
320

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Dunidan aan ku nolnahay ayaa malinba maalinta kadambeysa ku talabsaneysa Tiknaloojiyad Casri ah taasi oo faa’iidooyin badan leh halka dhinaca kale ay wadato saameynteeda.

Badsashada Shaahadaha sida Computerada Tilifoonada ayaa saameyn Caafimaad ku yeesha araga qofka badsada iyago Dhaqaatiirta marwalba ka digaan in wakhti badan lagu qaato Isticmaalka Shaashadaha la daawado.

Araga indhaha waxa uu kamid yahay lixadka adanaha kuwoda ugu muhimsan ee lagama marmaanka u ah nolosha qofka marka laga so tago muhimada araga oo aan la qiyasi karin.

Waxaa wayadii dambe so badanayay dhalinyarada xidhan murayadaha kordhiya araga tasi oo inta badan ku sababta arag yari ay ka qaadeen Isticmaalka badan ee baraha bulshada.

Dr Axmed Maxamed Cabdullahi oo kamid ah Dhaqaatiirta Deegaanka Dhoobley ee dawaysa xanunada ku dhaca indhaha ayaan wax kaweydiinay waxyaabaha keena in araga dhalinyaro badan uu lumo ama daciifo.

Dhanka kale qar kamid ah dhalinyarada isticmasha Baraha bulshada oo Radio Sanguuni lahadlay ayaa sheegay  in ay jiraan dhibato caafimad oo dhanka indhaha oo ay kala kulmeen isticmaalka badan ee internetka.

Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa warbixintan inooga diyaarisay