Meydadka 50 qof oo laga helay xabaal wadareed lagu arkay Khan Younis.

0
94

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Maamullada qaabilsan fidinta adeegyada degdegga ah ee dalka Falastiin ayaa sheegay in ay ugu yaraan meydadka 50 qof oo Falastiiniyiin ah ka soo saareen xabaal wadareedyo lagu arkay magaalada Khan Younis.

Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay daarta isbitaalka Nasser Medical Complex.
Tani ayaa imaanaysa labo toddobaad un ka dib markii ay Israa’iil ciidamadeeda halkaasi kala baxday.