“Messi wuxuu ii sheegay inuu ila jiri doono ilaa iyo geeri” – Griezmann

0
256

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Weeraryahanka Barcelona ee Antoine Griezmann ayaa ka hadlay xiriirka kala dhexeeya kabtanka kooxda ee Lionel Messi, kaddib markii dhawaanahan ay soo baxayeen warar ku saabsan xiisado u dhexeeya labada ciyaaryahan.

Antoine Griezmann oo marti ku ahaa barnaamijka “Universo Valdano” ee TV – El Mundo ayaa ka hadlay xiriirka kala dhexeeya Lionel Messi, wuxuuna yiri:

“Waxaa jiri kara hadalo xitaa qolka labiska, laakiin waxaan doonayay inaan raali galiyo xitaa haddii aan ku qasbanaan lahaa inaan sidaas ku sameeyo garoonka.”

Isagoo ka hadlayay kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa wuxuu hadalkiisa ku sii daray Antoine Griezmann:

“Waan la hadlay isaga markii aan imid, wuxuuna ii sheegay inuu ka xanaaqay markii aan diiday inaan aado Barcelona markii ugu horeysay, sababtoo ah wuxuu sheegay hadalo anigana ugu dambeyntii waan diiday inaan imaado.”

Wuxuu intaas kusii daray: “Laakiin Messi wuxuu ii sheegay mar haddii aan saaxiib noqdo, inuu ila jiri doono ilaa iyo geeri, waana tan aan dareemo maalin kasta.”