Cabsida laga qabo inuu ka dhaqaaqo Barca ayaa cirka isku sii shareertay kaddib markii la galay lixda bil ee ugu dambeysay heshiiskiisa.
Mid ka mid ah musharraxiinta u taagan xilka madaxweyne ee kooxda Barcelona ayaa qaba inay u badan tahay in Messi uu ka hayaamayo kooxdan.
Agusti Benedito oo qayb ka ah musharraxiinta tartamaya dhammaadka bishan ayaa aaminsan in sii heysashada Messi ay udub dhexaad u tahay jiritaanka Barcelona, balse waxa uu intaas sii raaciyay inaysan jirin rajo macquul ah oo uu ku sii joogi doona xiddiga reer Argentina.
Wareysiga Benedito oo dheeraa waxaa qayb ka ahaa inuu quus ka taagan yahay xaaladda Lionel Messi, waxaana uu yiri: “Natiijada ugu macquulsan ee ii muuqata waa inuu naga tagayo xagaaga”.
Si kastaba ha ahaatee, musharraxiinta u tartamaya xilka madaxweyne ee kooxda Barcelona ayaa dhammaantood kusoo daray ole’olahooda doorasha arrinta ku aaddan Messi.
Kabtanka Blaugrana ayaa si aad ah kaga carooday xukunkii Josep Maria Bartomeu, waxaana muran xooggan oo dhex yimid labada shaqsi ay kaliftay inuu midkood faarujiyo Camp Nou, ugu dambeynna Josep ayaa is casilay.