Hadalka Óscar Ruggeri ayaa yimid kaddib guuldaradii 1-4 aheyd ee Barcelona guroonkeeda Camp Nou kaga soo gaartay Paris Saint-Germain, kulankii lugta hore wareega 16-ka ee tartanka UEFA Champions League.
Haddaba Óscar Ruggeri ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu kaga hadlay mustaqbalka Lionel Messi, wuxuuna yiri:
“Messi waa inuu ka tagaa Barcelona, isagu weli waa kan ugu fiican, laakiin kooxaha oo dhan ayaa lumiyay ixtiraamkii ay u hayeen Barcelona.”
“Waxay meesha ka saareen Luis Suarez, waxayna iloobeen inuu yahay saaxiibkiis, iyo qayb ka mid ah qoyska kooxda, Suarez waa gooldhaliye mana saari kartid, sababtoo ah ma jiraan ciyaartoy badan oo leh heerka Suarez maalmahan.”
Si kastaba ha ahaatee, Mustaqbalka Lionel Messi ayaa ah arinta ugu muhiimsan ee dhanka warbaahinta waqtiyadan dambe, sababa la xiriira in heshiiskiisa kooxda Barcelona uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkaan, ilaa iyo haatanna ma jiraan wax wada hadalo ah ee u socda labada dhinac si loo cusbooneysiiyo qandaraaska.