Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Lionel Messi ayaa mar kale baal dahab ah ka galay taariikhda kadib markii uu dhaliyay goolkiisii 875-aad xirfadiisa kulankii ay Inter Miami 3-1 kaga adkaatay LA Galaxy.
Messi oo kasoo laabtay dhaawac gaaban ayaa kaliya ciyaaray 45 daqiiqo, balse wuxuu saameyn degdeg ah ku yeeshay ciyaarta, isagoo shabaqa ku hubsaday gool qurux badan oo lagu xusuusan doono.
Qodobbada ugu muhiimsan:
- Messi wuxuu noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee caalami ah ee gaaray 875 gool.
- Waxa uu sidaas ku gaaray kaliya 1,116 kulan, rikoor aan cid kale gaadhin.
- Goolkiisu wuxuu u dhaliyay qaab xirfadeed oo cajiib ah, oo dib u xasuusisay bandhiggiisii hore ee Barcelona.
- Messi wuxuu hadda 63 gool ka hooseeyaa Cristiano Ronaldo (938 gool), waxaana loo saadaalinayaa inuu gaadhi doono 1,000 gool mustaqbalka dhow.
- Xirfadiisa: 389 caawin (assists) iyo guud ahaan 1,263 (goolal + caawino) oo uu ku lug yeeshay.
Safarkiisu wuxuu bilaabmay May 1, 2005, markaasoo uu dhaliyay goolkii ugu horreeyay ee Barcelona isagoo 17 jir ah, Ronaldinho ayaana kubaddaas usoo dhigay. Tan ayaa ahayd bilowgii sheeko ciyaareed taariikhi ah oo socotay in ka badan 20 sano.