Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Maxkamad ku taal dalka Nigeria ayaa amartay in damiin lagu sii daayo gudoomiyihii hore ee bangiga dhexe Godwin Emefiele, kaas oo xabsiga ku jiray tan iyo bishii June.
“Waa in la soo afjaraa xariga maxkamad la’aanta ah ,” ayuu yiri garsoore Olukayode Adeniyi, oo fadhiya maxkamadda sare ee caasimadda, Abuja.
Mr Emefiele ayaa lagu soo oogay dacwad ah in uu si sharci darro ah u lahaan jiray bastoolad ka dib markii ay xireen ciidamada sirta ah ee laga cabsado, ee sida rasmiga ah loo yaqaano Waaxda Adeegga Dowladda (DSS).
Wuu diiday eedaymahaas loo soo jeediyay.
Si kastaba ha ahaatee, maxkamadeyntiisa ayaa istaagtay tan iyo bishii Agoosto markaasoo laamaha ammaanku ay ku guuldareysteen inay horgeeyaan maxkamadda si loo dhageysto kiiskiisa , sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.
Mr Emefiele ayaa lagu dammaanad qaaday shuruud ah in uu dhiibo baasaboorkiisa, qareennadiisuna ay maxkamadda horkeenaan 15-kii November. Wax lacag ah oo dhamaanad ah laguma xirin.