Maxay Barcelona U Baahantahay Si Ay Ugu Guulaysato La Liga Kadib Guushii El Clásico.

0
13

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ka dib markii ay 4-3 kaga badiyeen Real Madrid garoonka Estadi Olímpic Lluís Companys, FC Barcelona ayaa hadda hal talaabo u jirta inay hanato horyaalka La Liga 2024–25.

Guusha ayaa ka dhigeysa kooxda Hansi Flick 82 dhibcood, iyagoo todobo dhibcood ka sareeya kuwa ay xafiiltamaan iyadoo kaliya seddex kulan ay harsan yihiin.

Iyadoo 82 dhibcood ka dib 35 wareeg, Barcelona waxay u baahan tahay kaliya hal guul oo kale si loogu caleemo saaro horyaalnimada, iyadoon loo eegin natiijooyinka Real Madrid.

Ciyaartooda soo socota waa Khamiista May 15, waxayna la ciyaari doonaan Espanyol kulanka Catalan derby.

Guul ay gaaraan kulankaas waxa ay u xaqiijin doontaa horyaalkoodii 28-aad ee La Liga.

Haddii Barcelona ay ku guuldareysato inay ka badiso Espanyol, waxay weli heli doontaa laba fursadood oo kale: Getafe iyo Sevilla ee wareega ugu dambeeya.

Dhanka kale, Real Madrid, oo leh 75 dhibcood, waa inay badisaa dhammaan seddexda kulan ee u harsan Isla markaas rajayso in laga badiyo Barcelona kulamada u dhiman oo dhan.