Eriksen ayaa soo kabashadiisa ku qaadanaya gudaha isbitaalka kaddib markii uu garoonka ku dhacay kaddib xanuun dhanka wadnaha ah Sabtidii la soo dhaafay, niyad-jabkii ay ka qaadeen xiddiga Denmark laacibkooda Eriksen ayaana sababtay inay gabi ahaanba isaga haraan tartanka Euro 2020.
Kaddib markii kubbadsameeyahan Eriksen si ballaaran loogu dabaal-dagay daqiiqadii 10-aad ee ciyaarta, xulka Belgium ayaa kulankan qaatay saddexda dhibcood, waxaana ay iska xaadiriyeen wareegga 16-ka Euro 2020, taasoo uu sababteeda lahaa De Bruyne oo bedel ku soo galay ciyaarta.
Yussuf Poulsen oo ka tirsan Denmark ayaa gool uga naxsaday xulka Belgium kulankan kaliya ciyaarta soo socota 2’daqiiqo, laakiin wax waliba waxa ay isbedeleen markii garoonka Parken uu beddel ku soo galay De Bruyne oo soo kabasho sameeyey, isla markaana goolka barbaraha xulkiisa ka caawiyey 55’daqiiqo Thorgan Hazard.
Xiddiga Man City ee De Bruyne ayaana gool cajiib ahaa oo si fiican ay isugu dhiidhiibeen xiddigaha Belgium dhaliyey daqiiqaddii 70-aad ee ciyaarta goolkaasoo ahaa midkii guusha ay ku hanteen xulka Belgium, laakiin De Bruyne waa uu diiday inuu u dabaal-dego goolkaas isagoo xushmad u muujinaya Eriksen kaliyana gacamaha ayuu kor u taagay.
De Bruyne ayaa kulanka kaddib waxa uu sheegay inuu faraxsan yahay, balse uu iska diiday inuu dabaal-dego sababo la xiriira inuu xushmad u muujinayey Christian Eriksen oo garoonka ku dhacay Sabtidii.