Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Guddoomiye ku-xigeenkii, ahaana ninkii maamulayay Manchester United ee Ed Woodward ayaa xalay ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii iyo shaqadii uu ka hayay kooxda intaba.
War-saxaafadeed uu soo saaray Ed Woodward xalay fiidkii ayuu ku shaaciyey in uu iska casilay shaqadii Manchester United iyo xilkii uu hayayba waxyar ka hor intii aanay kooxdu ku dhawaaqin in ay ka baxday tartanka Super League ee muranka badan dhaliyey.
Qoraalka uu soo saaray ayuu sharraxaad kaga bixiyey waxyaabo badan oo u qabsoomay muddadii uu jagan hayay, isagoo ku faanay in uu awoodda saaray kulliyadda da’yarta oo ay kasoo baxeen ciyaartooyo badan oo qaarkood hadda u ciyaaraan naadiga koowaad sida McTominay iyo Mason Greenwood, isla markaana ay laacibiin badan oo kale dhowaan usoo dallacayaan kooxda koowaad.
Waxa kale oo uu sheegtay in uu suuqa geliyey lacago ka badan 1 bilyan oo Gini oo ay kusoo iibsadeen ciyaartooyo, laakiin uu mar walba ku riyoonayay sidii ay sannadihii ugu dambeeyey United ugu guuleysan lahayd horyaalka Premier League.
Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayuu ku amaanay hoggaamin iyo in uu kooxda si fiican u maamulayo, iyadoo xulashadiisiina uu ku tilmaamay mid sax ahayd.
Ed Woodward oo shaqada Manchester United ka bilaabay lataliye sannadkii 2005 ayaa ugu dambayntii noqday guddoomiye ku-xigeenka iyo agaasimaha fulinta intaba sannadkii 2012.
49 jirkan ayay gacanta ugu jirtay dhamaan maamulka kooxda, waxaase uu isbedello sameeyey dhowaan isagoo magacaabay agaasimaha ciyaaraha oo aanay kooxdu hore u lahaan jirin.
Si kastaba, sababta dhabta ah ee is-casilaadda ayaa lagu sheegay in ay tahay, in uu kusii dhegsanaa in kooxdu aanay ka laabanin tartanka Super League ee ay xalay ka baxday, laakiin mulkiileyaashu ay go’aansadeen in taageereyaasha loo hoggaansamo, halka UEFA ay iyaduna culays saartay oo ay ku tilmaantay mas.