Maxaabiis sheegtay in Sacuudigu dili doono iidda Carrafo oo kaalmo weydiisanaya

0
43

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Qoysaska dad Itoobiyaan ah oo dil ay ku xukuntay Sacuudi carabiya ayaa BBC u sheegay in eheladooda la daldali doono ka hor ciidda carrafo ee nagu soo fool leh.

Waxaa Sacuudiga ku xiran 47 qof oo Itoobiyaan ah kuwaas oo dil sugeyaal ah, taas oo welwel joogto ah ku haya qoysaskooda. Waxayna dowladooda ugu baaqeen in ay arrinta dadkaas soo farageliso, si dilka looga bedbaadiyo.

Dadka dilka sugaya waxaa ka mid ah Khaalid Maxamed Ibroo, sida uu BBC u sheegay walaalkiis Mulleta. “Khaalid waa nin xaasle ah. Wuxuu leeyahay hal cunug. Waxaa la xiray wax yar ka dib markii uu galay Sacuudiga, si uu nolol uga raadiyo qoyskiisa,” ayuu yiri Mulleta oo intaas ku daray in taasi saameyn daran ku yeelatay qoyskiisa curdanka ah.

Mulleta wuxuu sheegay in markii uu maqlay warka la xiriira xukunka lagu ridey walaalkiis uu qarracan ku noqday, isla markaana uusan weli ka soo kaban tiiraanyadii ka soo gaartey go’aanka dilka.

“Wuxuu dil suge ahaa lix sano iyo shan bilood. Mudadaasna waxaan la noolaa wadne kurkur. Waxaan gaarey in maalin walba isbitaal aan tago wadne xanuunkii soo foodsaaray awgiis.

Mullata ayaa dhawaan ku soo laabtay Itoobiya ka dib markii uu qudhiisa Sacuudiga ku soo qaatay shan sano oo xabsi, kaas oo laga soo daayey shan bilood ka hor.

Mullata wuxuu sheegay in dadka dilka ku xukuman aysan ku koobneyn Itoobiyaan, balse ay jiraan muwaadiniin dalalka, haba ugu badnaadeen Soomaali iyo Yeminiyiin iyo qaar dalkaas u dhashay.