Maxaa ugu dambeeyay Messi iyo Man City?

0
191

(England) 01 Sebteembar 2020. Sida laga soo xiganayo wargeyska Spanish-ka ah ee Cadena Ser, Manchester City ayaa dardar galineysa soo qaadashada Lionel Messi si ay uga dhabeeyaan damacooda ah ku guuleysiga tartanka UEFA Champions League.

Man City ayaa diyaar u ah iney Messi u gacan galiso heshiis gaaraya labo sano haddii ay ku guuleystaan inay xagaagan kasoo qaataan kooxda Barcelona.

Isla warsidahan ayaa ku warramaya in kooxda reer England agaasimaheeda ciyaara ee Txiki Begiristain uu hadda ku sugan yahay magaalada Barcelona ee dalka Spain si uu u dhammeystiro saxiixa kabtanka Argentina.

Geesta kale, Messi ayaa doonaya inuu la midoobo macallinkiisii hore ee Pep Guardiola kaasoo hadda majaraha u haya kooxda Man City, xilli xurguf xooggan ay ka dhaxeyso xiddigan iyo kooxdiisa Barca.

33-jirkan ayaa Blaugrana ku wargeliyay rabitaankiisa ku aaddan inuu ka hayaamo garoonka Camp Nou, isagoo u diray warqadda dalbashada in la fasaxo.

Si kastaba ha ahaatee, City ayaa lagu soo warramayaa inay heshiis labo sano ah kusoo xero gelin doonaan Leo, kaddibna ay kordhin doonaan qandaraaska uu kula sii joogi doono haddii ay gacanta ku dhigaan.

Gool FM.