Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa guud ahaan la ciyaari kari waayay kulankii u dhexeeyay kooxaha Manchester United iyo Liverpool kaasoo shalay xilliga maqribnamada Geeska Afrika lagu balansanaa in la ciyaaro.
Taageerayaasha Man United ayaa shalay la wareegay garoonka Old Trafford oo dibad bax rabshado wata ku burburiyay guud ahaan ciyaartii jadwaleysneyd ugu dambeynna la baajiyay.
Ujeedka taageerayaasha Red Devils ayaa si cad u qeexayay inay doonayan in qoyska milkiyadda naadiga iska leh ee Glazer Family ay iska iibiyaan guud ahaan kooxda iyagoo ku doodaya in qoyskan uusan ka talineyn aayaha maaliyadda guduudka ah.
Taageerayaashan ayaa garoonka la wareegay kahor inta aysan bilaaban ciyaarta iyagoo ku sugnaa halkaas illaa iyo dhowr saacadood, maamulka horyaalka Premier League oo markii hore dib u dhigay ciyaarta ayaa guud ahaan baajiyay kulanka iyadoo laga taxaddarayo badqabka ciyaartoyda iyo shaqaalaha tababarka ee labada naadi.
Si kastaba ha ahaatee, wali lama shaacin xilliga rasmiga ah ee kulankan dib loo ciyaari doono, balse waxaa suuro gal ah in taageerayaasha ka gadoodsan qoyska iska leh Man United ay sii joogteeyaan dibad baxyada ay uga soo horjeedaan Reer Glazer.
Isku soo wada duub e, carada taageerayaashan ayaa timid kaddib markii milkiilayaasha kooxda Manchester United qayb ka noqdeen aas-aasayaasha tartanka Europa Super League inkastoo ay markii dambe ka mid noqdeen kooxaha isaga baxay mashruucaas.