Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka?

0
159

Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Maanta oo Arbaco ah ay dooda seddexaad ka yeeshaam Hindise Sharciyeedka Qareennada Soomaaliyeed.

Xildhibaannada ayaa sida loogu soo diray fariinta balaminta, waxaana kulanka golaha shacabka uu a jandahu yahay akhrinta Seddexaad ee Hindise sharciyeedka Qareennada Soomaaliyeed, iyagoo ku yeelan doono xarunta ku meel gaarka ah ee Villa Hargeysa.

Sidoo kale waxaa ajandaha ka mid ah Akhrinta warbixinta guddiga Dastuurka ee barlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannada Baarlamaanka 10aad oo waqtiga xilheyntooda geb-gabo yahay ayaa waxaa horyaalla Shaqooyin dhowr ah, iyada oo dhawaan Guddoomiyaha Golaha uu ku baaqay in la dardar geliyo Shaqooyinka Baarlamaanka.