Maxaa ku qornaa funaanadihii ay ciyaartoyda Barcelona xirteen xilligii dabaal-degga?… (Fariin ka tarjumeysay…)

0
345

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta ee Barcelona ayaa ku hammineysa in ku guuleysigooda Copa del Rey uu u noqdo furaha guulaha ee xilliga cusub.

Kooxda uu hoggaamiyo Tababare Ronald Koeman ayaa xalay 4-0 kaga adkaatay kooxda Athletic Club ciyaartii fiinaalka Koobka Boqorka dalka Spain, iyagoo gacanta ku dhigay tartankoodii ugu horreeyay muddo labo sano ah.

“Kan ugu horreeya ee xilliga cusub” qoraal u dhigan ayaa xabadka kaga qornaa funaanadihii ay ciyaartoyda Barcelona xirnaayeen markii ay u dabaal dagayeen hanashada Copa del Rey.

Warbaahinta ayaa qoraalkan ku fasirtay in xiddigaha Blaugrana ay ku hammi weyn yihiin xukunka Madaxweynaha cusub ee Joan Laporta inuu noqon doono waqti dib loo qoro maalmihii wacnaa ee naadiga Camp Nou ku ciyaarta.