Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kabtanka Argentina Lionel Messi ayaan ka fariisan doonin ciyaaraha caalamiga isagoo sheegay inuu doonayo inuu sii ciyaaro isagoo ah horyaalka dunida.
Inkastoo ay da’diisu tahay 35 sanno jir, hadana Messi ayaa doonaya inuu u sii ciyaaro wadankiisa isagoo meesha ka saaray inuu ciyaaraha caalamiga ah ka fariisanayo.
“Kama fariisanayo ciyaaraha caalamiga ah” ayuu yiri. “Waxaan doonayaa inaan sii ciyaaro anigoo ah horyaalka Koobka Adduunka.”
“Ka dib koobkaan, maxaa kale oo ii haray? Waxaan ku guuleystay Copa America, Koobka Adduunka… wuxuu koobkaan ii yimid ugu danbeyn. Waan jeclahay kubada cagta, waa shaqadeyda. Waan ku riyaaqaa inaan qeyb ka ah xulka qaranka, waxaan doonayaa inaan sii ciyaaro kulamo kale anigoo ah horyaalka dunida.
“Ma sugi karo inaan Argentina tagno oo aragno sida dabaaldegeena uu waali u noqon doono.”