Maxaa ka jira in Tottenham ay u ceyrisay Mourinho sabab la xiriirta doodda European Super League?

0
204

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta ee Tottenham Hotspur ayaa shaqada ka ceyrisay macallinkeedii Jose Mourinho maanta.

Waxaa isa soo taraya wararka sheegaya in ujeeddada Spurs ay u ceyrisay macallinkeedii aysan ahayn natiijooyinkii liitay ee xilli ciyaareedkan, balse ay jirto colaad hoose oo ku qotonta tartanka European Super League.

Wararka ka imaanaya dalka Ingiriiska ayaa sheegaya in Mourinho uu diiday sameynta iyo hoggaaminta tababarkii maanta maadaama kooxda ka dhisan magaalada London ay qayb ka noqotay kooxaha aas-aasay tartanka cusub ee European Super League.

Sidaas darteed, Spurs ayaa shaqada ka ceyrisay macallinka reer Portugal, waxaana tababarka sii waday Ryan Mason oo dhaawac madaxa kasoo gaaray awgeed uga baxay ciyaaraha.

Si kastaba ha ahaatee, Tottenham ayaa qayb ka ah 12-ka naadi ee dhidibbada u taagay tartanka European Super League, iyadoo la mideysan AC Milan, Arsenal FC, Atlético de Madrid, Chelsea FC, FC Barcelona, FC Internazionale Milano, Juventus FC, Liverpool FC, Manchester City, Manchester United iyo Real Madrid CF.