Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Garabka kooxda Bayern Munich ee Sadio Mane ayaa u muuqda mid ka huleelaya kooxdaas kaddib kaliya hal xilli ciyaareed oo uu la qaatay.
Mane ayaan sanadka uu joogay Bavaria sidii laga filayay usoo dhalaalin iyadoo dhaawac uu mudo ku maqnaa saamayn ku yeeshay.
Kooxda ayaa u muuqata mid aan ku qanacsanayn, dhawaan ayay ahayd markii tababare Thomas Tuchel uu sheegay inay ku adkaan doonto inuu boos helo isla markaana uu hoos uga dhacay wixii laga filayay.
Haatan sida uu sheegayo saxafiga caanka ah ee Fabrizio Romano, Sadio Mane oo doonayay inuu sii joogo Bayern Munich ayaa dareemay inay kooxdu riixayso wuxuuna gaadhay go’aanka ah inuu iskaga tago Allianz Arena.
Wargeyska The Athletic ayaa sheegaya in wakiilada Mane ay dalka Portugal wadahadal kula yeesheen agaasimaha ciyaaraha Al Nassr ee Goran Vucevic.
Kaddib saxeexa Ronaldo, xiddigaha ay xagaagan lasoo saxeexatay Al Nassr waxa kamid ah xiddigihii khadka dhexe ee Inter Milan iyo Lens ee Marcelo Brozovic iyo Sesko Fofana.
Bayern ayaa diyaar u ah inay qiimo ka jaban midkii ay kusoo iibsatay Mane ku iibiso si ay u samayso lacag ay ku maalgeliso heshiiska ay Harry Kane kaga doonayso Tottenham.