Maxaa Iska Beddelay Tartanka Kabta Dahabka Ah Ee Horyaalka Premier League? – Xiddig Cusub Oo Hoggaanka Qabtay

0
210

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Tartanka kabta dahabka ah ee gool-dhalinta looguma kala tegin sida horyaalka waqti horeba ay jeebadda u gashatay Manchester City, waxaana isku dheggan oo ku loollamaya ciyaartooyo waaweyn oo ay muuqato in illaa maalinta ugu dambaysa ay isku dhegganaan karaan.

Murashaxiinta ay u badan tahay in midkood ku guuleysan doono tartanka kabta dahabka ah ayay hadda ugu horreeyaan laacibiin ka tirsan kooxaha Tottenham, Liverpool, Manchester United iyo kuwo kale, waxaana durba ay tirada goolashu afka saareen 20 gool, taas oo muujinaya in kabta dahabka ah lagu kala qaadi doono goolal ka badan intii labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyey.

Weeraryahanka Tottenham ee Harry Kane ayaa dhaafay Mohamed Salah iyo Bruno Fernandes, isla markaana hoggaanka u qabtay gool-dhalinta, waxaana inkasta oo ay kooxdiisu daalaa-dhacayso uu haddana yahay laacib waxqabadkiisa shaqsiga ah uu aad u sarreeyo.

Marka  laga yimaaddo gool-dhalintiisa, waxa kale oo uu Harry Kane yahay ciyaartoy caawinta ugu badan ka sameeya kooxdiisa, waxaanu halkan soo gaadhay isagoo in muddo ah ku maqnaa dhaawacyo.

Mohamed Salah oo muddo dheer hoggaaminayay gool-dhalinta ayaa kaalinta labaad u dhacay, waxaa se gool uu dhaliyey ciyaartii Arsenal uu ka caawiyey in hal gool oo kaliya uu ka dambeeyo Harry Kane.

Kaalinta saddexaad ayuu ku jiraa xiddiga Manchester United ee Bruno Fernandes oo dhaliyey 16 gool, halka Dominic Calver-Lewin oo ah dhaliyaha Everton uu isaguna kaalinta afraad ku jir.