Maxaa Horyaalka Premier League Looga Waayey Garsoore Madow Ah Muddo 15 Sannadood Ah? – Sam Allison Oo Xalay Beddelay Taariikhda Horyaalka

0
147

(Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Sam Allison ayaa noqday garsoorihii ugu horreeyey ee madow ah ee qabta kulan ka tirsan horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League muddo 15 sannadood ah, waxaana ka horreeyey Uriah Rennie oo isagana kulankiisii ugu dambeeyey laga joogo 15 sannadood.

Ciyaartii xalay ay sida adag ugu dagaallameen Sheffield United iyo Luton Town ayaa uu Sam Allison ka ahaa dhax-dhaxaadiyaha garoonka ku jiray, waxaana uu ammaan badan ku kasbaday qaabkii uu u maamulay ciyaartoyda, go’aamadii uu qaatay iyo deggenaantiisa.

Inkasta oo lasoo warinayay inay jireen xaalado cunsuriyad ahaa oo ciyaartan intii ay socotay la maqlay garoonka, waxa arrintan warbixinteeda garsooraha afraad u diiwaangeliyey Andy Madley iyo Alisson, waxaana la isla eegay dhacdada ka hor intii aan ciyaarta dib loo bilaabin.

Sam Allison waxa uu faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dhacdadan uu ku xusi doonaa warbixinta uu u gudbinayo xidhiidhka kubadda cagta ee Ingiriiska oo iyaguna baadhis ku samayn doona, isla markaana ay booliska iyo masuuliyiinta kale ee amniga oo qaadi doona tallaabooyin.

Falka dhacay ayaa waxa uu ahaa in aflagaaddo loo geystay garsooraha oo midabkiisa lagu duray, haddana waxa cajiib ahayd in garsoore Sam Allison aanu u jixin-jixin oo uu sii watay hawshiisa isla markaana uu qabtay shaqo uu ammaan badan kaga helay falanqeeyeyaasha ciyaaraha oo wax dhalliil ah u waayey.

Toddobaadkan waxay horyaalka Premier League u ahayd mid ka duwan sidii hore, waxaana ka sokow in Sam Allison uu dhigay taariikh oo uu noqday garsoorihii ugu horreeyey ee madow ah ee muddo 15 sannadood ah qabta ciyaar Premier League ah, haddana waxa jirtay Rebecca Welsh oo iyaduna ahayd haweenaydii ugu horreysay ee garsoore ka noqota horyaalka, waxaanay haysay ciyaartii Sabtidii ee Burnley iyo Fulham.

Howard Webb oo ah madaxa xidhiidhka garsooreyaasha Ingiriiska ayaa waxa uu sheegay, in Sam Allison iyo Rebecca Welsh ay muujiyeen khibrad, tayo iyo feejignaanl, isla markaana yihiin garsooreyaal ay ku xisaabtamayaan.

Si kastaba ha ahaatee, waxa su’aal weyn oo la isweydiinayo ahayd sababta horyaalka Premier League looga waayey garsoore madow ah muddo 15 sannadood ah, laakiin waxa kale oo su’aashan garab taallay mid kale oo ah sababta loo la’yahay tababareyaal madow ah.