Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa guul-darro xanuun kulul loo xambaariyey, waxaanay si buuxda uga rajo dhigeen horyaalka LaLiga oo ay u haysteen fursad ay kusoo yarayn karaan dhibcaha ay Barcelona kaga hayso hoggaanka LaLiga.
Mataanta Manchester City ee Girona ayaa 4-2 kusoo garaacday Real Madrid iyadoo waliba ay Los Blancos laba toddobaad kaddib is-heeli doonaan kooxda ay hooyada u ah Girona ee Man City oo ay semi-finalka Champions League ku kala calaf-qaadi doonaan.
Girona oo ka mid ah kooxaha mataanaha la ah Man City ee uu iska leeyahay Sheikh Mansoor ee loogu yeedho City Group, ayaa waxay min laba jeer soo taabatay shabaqa Real Madrid labadii qaybood ee ciyaarta, iyadoo la moodayay in aanay Real Madrid diyaar u ahayn inay ciyaarto.
Valentin Castellanos ayaa taariikhda ku galay Real Madrid oo ka dhaliyey afarta goolba, iyadoo difaaca Los Blancos ay isku dhax daadsanaayeen oo ay fursado badan bixiyeen halka la tebay goolhaye Thibaut Courtois oo ka maqnaa ciyaarta.
Girona ayaa waxay intaas kaddib samysay xeelad cajiib ah waxaanay ka cadhaysiiyeen Vinicius Jr oo bilaabay muran uu la galay ciyaartoyda, garsooraha iyo gaareereyaasha, halkaasna waxa ku luntay feejignaantii iyo wixii ay Madrid ka filaysay laacibka reer Brazil.
Real Madrid oo raadinaysa goolka barbarraha ayaa kubbad laga soo tuuray meel fog waxa badhtamaha garoonka uu Valentin Castellanos ugu xoog sheegtay Eder Militao oo madaxa la waayey kubadda, waxaana uu ula tegay goolhaye Lunin oo uu dhinac ka dhigay.
Carlo Ancelotti ayay talo ku caddaatay oo garan waayey wax uu sameeyo, waxaase ka fujiyey Vinicius Junior oo kubbad uu Marco Asensio kasoo qaaday dhinaca bidix madax ku qabtay.
Madrid oo filanaysa inay soo noolaan doonto qaybta dambe ayaa daqiiqaddii ugu horreeyey lagu dilay gool saddexaad oo uu ka dhaliyey Valentin Castellanos, waxaana uu goolkani keenay inay si dhab ah u niyad-jabaan ciyaartoyda Real Madrid oo markaas kaddib illoobay sidii ay u ciiyaari lahaayeen.
Daqiiqaddii 61aad ayay Real Madrid ceebta u weyni usoo hoyatay, waxaana laga dhaliyey goolka afraad oo uu sababtiisa lahaa Eder Militao oo ay uga dartay amaantii loo jeedinayey kulamadii hore.
Kubbad uu iska saari karayy amaba uu meel kale u laadi karayey ayuu u eryaday dhinaca koornaha iyadoo uu daba cararayo Valentin Castellanos, waxaana uu qaatay go’aan qaldan oo ah inuu u baaso goolhayihiisa hase yeeshee waxa uu isku saaray koonre.
Girona ayaa koornihii ay loo tuuratay ay Madrid dibedda iskaga saartay, waxaase helay ciyaartoyda Girona oo madax soo saaray. Kubadda ayaa lugta kaga soo dhacday Dani Carvajal waxaana goolka hortiisa ka helay Valentin Castellanos oo madax ku qabtay. Militao oo kubaddu ay hortiisa taallay ayaa awoodi karayay inuu madaxa la boodo Castellanos balse waxa uu ogolaaday in gool afraad laga dhaliyo naadigiisa.
Marco Asensio ayaa Real Madrid u keenay gool kale xilli aanay awoodi karayn inay soo laabasho raadiyaan, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 4-2 ay guushu ku raacday Girona.
Natiijadana ayaa ka dhigan in Real Madrid ay 11 dhibcood ka dambayso Barcelona oo habeen dambe ciyaari doonta, waxaana haddii ay Barca guuleysato ay Madrid ka horreyn doontaa 14 dhibcood oo nadiif ah.