Masuuliyiin ka tirsan Jubbaland oo booqasho ugu tagay dadka ay saamaysay fatahaadda wabiga Jubba

0
166

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Jubbaland Maxamed Cismaan Jaamac yaa booqasho ugu tagay dadka ay saamaysay fatahaadda wabiga Jubba uu ka gaystay deegaannada waqooyi ee magaalada Kismaayo.

Wasiirka oo booqashiisan ay ku weheliyeen masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda ayaa hay’adaha sama-falka ugu baaqay inay gacan ka gaystaan mashqada fatahaadda gaar ahaan dadka beeralayda ah ee ay dalaggoodii biyuhu qaadeen.

Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya