Masuuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Jubbaland oo soo gaaray Deegaanka Dhooblay.

0
98

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wafdi uu horkacayay wasiirka arrimaha gudaha federaalka Iyo dib u heshiisiinta Jubbaland Generaal Maxamed Warsame Darwiish islamarkaasina ay qayb ka ahaayeen, wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada Maxamed Cabdi Oogle, wasiirka howlaha guud dib u dhiska iyo guriyeynta ENG Ismaaciil Axmed Garas  Iyo wasiirka Tamarta iyo khayraadka biyaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Xuseen Baraki ayaa soo gaaray deegaanka Dhooblay.

Mas’uuliyiintaan ayaa magaalada Dhooblay maalmaha soo socda u joogi doona howla shaqo iyagoona durba bilaabay kulama ay la yeesheen masuuliyiinta kala duwan ee Dhooblay iyo odayaasha dhaqanka, waxaana kulamadaan lagu gorfeeynayaa suurta galnimada magaalada Dhobleey in ay degmo u qalanto.

Wafdigan wasiirada ah ayaana maalmaha soo socda sii joogteyn doona kulamada ay la qaadanayaan mus’uuliyiinta magaalada Dhooblay iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.