Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha dalaga iyo waxsoo saarka Jubbaalan ugaas Cali Aden Sonkor iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Jubbaalan Injeneeer Maxamed Mursal ayaa kormeer kusameyay beeraha Degaanka Dhoobley .
Kormeerka ayaa waxaa ku weheliyay Wasiirka Arimaha Gargaarka maareynta iyo musiiboyinka Jubbaalan Cabdiraxmaan Cabdi Axmed iyo masuuliyiin kale oo kawada tirsan Dawlad Goboledka Soomaaliyeed ee Jubbaalan.
sido kale wafdiga ayaa booqday Tuulada kulmis oo Dhoobley u jirto Qiyaas ahaan 19Km halkaas oo ay ku suganyihin boqolaal qoys oo ah dadkii ay abaartu saamaysay.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha dalaga iyo waxsoo saarka Jubbaalan ugaas Cali Aden Sonkor iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Jubbaalan Injeneeer Maxamed Mursal ayaa kulumo la qaatay Iskaashatada Beeralayda Deegaanka Dhoobley iyo hay’adaha ku shaqada leh beeraha.
Fardowsa Axmed Cabdi.ayaa kawarameysa