Masuuliyiin ka tirsan Jubbaland oo kulan la qaatay Hay’adaha ka howlgala Degmada Luuq.

0
75

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga Jubbaland ayaa kulan la qaatay Hay’adaha kala duwan ee ka howlgalada Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

kulanka ayaa waxaa Goob joog ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyaynta ee Jubbaland Masuuliyiinta Degmada Luuq iyo wakiilo ka socday Hay’adaha Degmada Luuq.

kulankan ayaa diirada lagu saaray sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha Bini’aadanimo ee ka jira Degmada Luuq iyo sidii ay Hay’adaha ka howlgala Degmadaasi Bulshada ugu hirgalin lahaayeen Macaasriic dadka u noqon kara xal waara.

Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya