Mason Greenwood Oo Xidhiidhka U Jaraya Kooxdii Dayacday Ee Manchester United

0
129

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Weeraryahanka ay dayacday Manchester United ee  Mason Greenwood ayaa la sheegay in uu go’aan kama dambays ah ka gaadhay mustaqbalkiisa oo aanu dib ugu noqon doonin Old Trafford, kaddib markii ay si xun ula dhaqmeen oo ay sannad iyo badh bannaanka ka dhigeen kooxda, isla markaana amaah ku direen markii ay maxkamaddu laashay dhamaan dambiyadii loo haystay.

Mason Greenwood oo ay da’diisu tahay 22 jir ayaa waxa maalintii ugu dambaysay suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagii amaah loogu diray Getafe, waxaana uu doonayaa in uu ku negaado kooxdaas oo uu u arko in ay u hiilisay xilli uu ku jiray xaalad adag.

Greenwood ayaa goolkiisii ugu horreeyey u dhaliyey Getafe ciyaartii Axaddii ay barbarraha 2-2 la galeen Celta Vigo, waxaana uu qorshihiisa ka saarayaa in uu ku noqdo horyaalka Premier League iyo sidoo kale xulka England oo uu qorshaynayo in aanu dib ugu ciyaarin oo uu dalka uu asal ahaanta kasoo jeedo ee Jamaica uu u dheelo.

Heshiiska uu Mason Greenwood kula jiro Manchester United oo soconaya illaa sannadka 2025, ayaa waxa uu toddobaadkii mushahar ugu qaataa £75,000 Gini, waxaana la rumaysan yahay in qayb ka mid ah mushaharkan ay hadda bixiso Red Devils, maadaama Getafe uu aad ugu badan yahay mushaharka intaas le’eg.

Wargeyska Mirror ayaa sheegay, in Mason Greenwood uu qorshihiisu yahay in uu soo afjaro waayaha kooxdii uu da’yarteeda kasoo baxay ee Manchester United, laakiin Red Devils ayaa dhinaceeda la sheegay in ay doonayso in ay dib usoo ceshato xagaaga, iyaga oo u arka in uu ka mid yahay xiddigaha ugu fiican garabka midig waqtigan.