Maskaxdii ugu da’da weynid abid ee noolaha laf dhabarta leh oo bed qabta”oo la helay

0
102

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hadhaadigan ayaa laga helay meel dhuxusha laga qodo oo ku taal gobolka Lancashire ee dalka Britain ka hor wax qarni ka badan, waxaanu intaas ku kaydsanaa keydka madxafka ee magaalada Manchester.

Cilmi-baaris ay sameeyeen kooxo ka socda jaamacadaha Birmingham iyo Michigan ayaa ogaaday in madaxa kaluunkan ay ku jiraan maskax iyo neerfayaasha ‘cranial’ loo yaqaan.

Sam Giles oo ku takhasusay cilmiga noolayaasha ayaa sheegay in “helitaankan lama filaanka ah” uu kusoo kordhiyay “faham la yaab leh” qaabka ay maskaxdu u samaysanto.

Qalfoofka kalluunka hadda dabar go’ay ayaa markii hore laga soo saaray lakabka dhagaxa saabuunta ee saqafka sare ee halka macdanta laga qodo ee Lancashire, waxaana markii ugu horreysay si cilmiyeysan loo sharraxay 1925-kii.

In kasta oo madaxa oo keliya la soo helay, haddana saynisyahanno ka socda Jaamacadda Birmingham (UoB) iyo Jaamacadda Michigan (UoM) waxay rumaysan yihiin in dhererka kaluunkani noqon lahaa 15 ilaa 20 sentimitar oo ay u badan tahay inuu ahaa mid ka mid ah noolaha hilibka oo kali ah cuna.

Wakiil ka socda jaamacadda Birmingham ayaa sheegay in unugyada jilicsan sida maskaxda oo kale ay si dhakhso ah u qudhmaan oo ay “naadir tahay inay noqdaan hadhaadi badbaada”, balse markii kalluunkani dhintay, “malaha si dhakhso ah ayuu ugu aasmay xumbo ay ogsijiintu ku yartahay” sida bay’adahan oo kale “oo gaabis ka dhiga burburka iyo inay wax yeelloobaan qaybaha jidhka ee jilicsan” .

Waxay sheegeen in qalfoofka madaxan uu yahay nooca kaliya ee la yaqaan illaa hadda ee noociisa ah, sidaa darteed kaliya farsamooyin aan burburinayn ayaa la isticmaalay intii ay daraasaddu socotay.

Waxa ay intaa ku dareen in kooxda cilmi-baadhistu aanay maskax raadinaynin markii hore ee ay baadhayeen lafmadaxeedka kaluunka, balse ay mar dambe heleen wax gaar ah oo leh calaamado laga helo maskaxda laf dhabarta, sida lafta laba geesoodka ah iyo duleel u eg kan gudaha lafta dhabarka.

Dr Giles ayaa sheegay in “helitaanka lama filaanka ah ee maskaxda laf dhabarta oo saddex geesoodka ah oo bad qabta ay ina siinayso aragti yaab leh oo ku saabsan cilmiga qaab dhismeedka neerfaha ee kalluunka nooca baalasha leh”.

“Waxay inna tuseysaa hab-nololeedka maskaxda oo ka qoto dheer marka loo eego sida ay u sameysanyihiin maskaxda noocyada noolaha oo aan hadda naqaan, taas oo noo oggolaanaysa inaan si wanaagsan u qeexno sida iyo goorta ay lafaha kaluunka manta jira kobceen,” ayuu raacisay.

Cilmi-baaraha jaamacadda Michigan Rodrigo Figueroa ayaa yiri “hadhadiga marka korka laga eego aan xiiso saas ah lahayn iyo kuwa yar yar aanay kaliya ina tusayn tusaalaha ugu da’da weyn ee maskaxda laf dhabarta, balse sidoo kale waxay muujinaysaa in wax badan oo aan u haysannay qaabka maskaxdu u kobocday ee noocyada noolayaasha ay u baahan doonaan dib-ugashaqayn “