Mashruuca sanduuqa horumarinta caasimadda oo ka bilowday galmudug.

0
163

Maamulka Magaalada Dhusamareb, Ganasato, Aqoonyahanno iyo qaar ka mid ah Ururada Bulshada ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday Degmada Dhuusamareeb oo lagu daahfurayey mashruuca sanduuqa horumarinta ee caasimada galmudug.

Furitaankii mashruucaan oo sidoo kale ay goobjoogayaal ka ahaaayeen Wasiiro, Xildhibaano  waxaana diirada lagu saaray sidii magaalada dhusamareb loogu heli lahaa dhaqaale lagu daboolo baayiyaha jira ee ay  ugu horeeyaan dab-damis.

Gudoomiyaha Magaalada Dhusamareb Macalin C/raxmaan Cali Maxamed Geeda ayaa faah faahin ka bixiyey bilowga sanduuqan dhaqaala iyo sida howshan lagu jihayn karo iyadoo laga faa’iidaysanayo xoogga iyo xoolaha bulshada soomaaliyeed lana samaynayo isku tashi.

Salaad Cusmaan Rooble oo ah gudoomiyaha loo xilsaaray ka mira dhalinta mashruucaan ayaa isna warbaahinta la hadlay waxa uuna xusay inuu qof walba uu ka qeybqaato helitaanka gaadiidka gurmadka ee ka hortagga musiibooyinka sida dabdamiska.

Maamulka Magaalada Dhusamareb ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii loo soo celin lahaa adeegyadii bulshada sida dhismaha jidadka