Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweyne Ku-xigeenka labaad ee Jubbaland Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa daahfuray mashruca Qorshaha Istaratijiyada horumarinta Jubbaland, kaas oo dib u eegis lagu sameeyay ayna soo diyaarisay Wasaradda Qorsheynta Jubbaland.
Daahfurka mashruucan qorshaha horumarinta waxaa kasoo qeyb galay Wasiiro, Xildhibano, Agasimayaal, Odayaasha dhaqanka, Dhalinyaro, Haween, iyo xubno ka socday Hay’adaha kala duwan ee ka howlgala deegaanada Jubbaland.
Ujeedada Qorshaha horumarinta dib u eegista loogu sameeyay ayaa ah in la dadajiyo adeegyada muhiimka ah ee ay u baahanyihiin bulshada ku nool Deegaanada Jubbaland.
Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya