Mashruuc loogu talagalay Hooyooyinka oo laga daahfuray Degmada Cadaado.

0
52

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Galmudug, Cabdirisaaq Cali Jaamac, ayaa magaalada Cadaado ka daah-furay wajiga labaad ee mashruuca Sagal Project, kaas oo loogu talagalay in ay ka faa’iideystaan hooyooyinka uurka leh, kuwa nuujinaya iyo dhallinyarada muruq-maalka ah.

Daah-furka mashruucan oo soconaya muddo laba sano ah ayaa waxaa goob-joog ka ahaa maamulka degmada Cadaado oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha degmada, Faarax Diiriye Warsame, Xoghayaha Dowladda Hoose ee Cadaado, Agaasimayaal ka tirsan maamulka degmada, iyo mas’uuliyiin ka socotay hay’adda Save the Children oo ah hay’adda fulinaysa mashruucan.

Fardowsa Axmed Cabdi.ayaa fah-faahineysa