Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka wasaarada caafimaadka iyo daryeelka bulshada Jubaland Ismaaciil Axmed Garas ayaa dhagax dhigay dhismaha cusub ee lagu balaarinaayo xafiiska wasaarada caafimaadka jubbaland.
wasiirka wasaarada caafimaadka iyo daryeelka bulshada Jubaland oo munaasabada dhagax dhiga ka hadlay ayaa sheegay in ay si rasmi ah u balaarin doonaan dhismaha wasaarada.
Dhanka kale wasiirka wasarada arimaha gudaha jubbaland maxamed ibrahim ogle ayaa dhankiisa ku amaanay mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha wasaarada dadaalka ay galinayaan dhisamaha wasaraada caafimaadka.
Cabdullahi Cabdicasiis Siraad. ayaa ka warramaya