Mashruuc ku saabsan sugnaanta cunada iyo nafaqada oo Magaalada Kismayo laga daahfuray

0
70
Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jubbaland ayaa Magaalada Kismaayo ku qabatay kulan lagu daahfurayey mashruuc la xiriira arrimaha beeraha.
Shirkan oo ay ka soo qayb galeen Wasiirka Wasaaradda Beeraha Jubbaland, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, qaar kamid ah xubnaha golaha wakiillada Jubbaland, Wasiir ku xigeennada Wasaaradaha Beeraha iyo Kalluumaysiga, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beearaha, Guddoomiyeyaasha deegaannada Goobweyn iyo Luglow iyo hawl wadeennada Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jubbaland, ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay sidii loo gaarsiin lahaa dadka ku nool deegaannada Goobweyn iyo Luglow mashruuca sugnaanta cunnada iyo nafaqada oo dhawaan laga fulin doono Deegaannadaasi.
Khadar Axmed Salaan.ayaa kawaramaya