Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo u hoggaansameysa siyaasadda horumarineed ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u dhammaystirtay dhismaha buundada casriga ah ee magaalada Garoowe.
Buundadan cusub, oo ah tii labaad ee ay yeelato caasimadda Puntland, ayaa si weyn uga qayb qaadan doonta fududeynta isku socodka bulshada, dardargelinta adeegyada, iyo kobaca dhaqaale ee gobolka Nugaal. Dhismaha buundadan ayaa sidoo kale xoojinaya isku xirnaanta gobollada dalka, iyadoo kaabeyaal muhiim ah loo dhisayo bulshada Soomaaliyeed.
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta, Mudane Dr. Elmi Mahamoud Nur, ayaa ammaanay mashruucan, isaga oo sheegay in buundadan ay tahay mid ka mid ah mashaariicda ugu waa weyn ee dalka laga hirgaliyo tan iyo burburkii dowladeed. Wasiirku wuxuu carabka ku adkeeyay in mashruucan uu caddeyn u yahay dadaalka dowladda ee ku wajahan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalka.
Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray buundadan. Madaxweynuhu wuxuu u mahadceliyay Bangiga Adduunka iyo dhammaan daneeyeyaasha mashruuca, isaga oo xusay in dadaalka iskaashiga ah ee dowladda dhexe, dowladda hoose, iyo beesha caalamka uu miro dhalay.
Mashruucan waxaa iska kaashaday Mashruuca Nagaad ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, Maamulka Degmada Garoowe, iyo Bangiga Adduunka oo si toos ah u maalgeliyay.
Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Mashruuca Nagaad (SURPII) waxay sii wadaan barnaamijyo horumarineed oo waaweyn, kuwaas oo diiradda lagu saarayo dib-u-dhiska dalka, adkeynta isku xirnaanta juqraafiyeed ee dalka, iyo dhiirrigelinta kobaca dhaqaale iyo bulsho.
Buundadan casriga ah ee la furay waxay caddeyn u tahay in Soomaaliya ay u socoto xilli cusub oo rajo iyo dib-u-dhis ah.
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo ku dhaqmeysa siyaasadda horumarineed ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si guul leh u dhammaystirtay dhismaha Buundada casriga ah ee magaalada Garoowe.
Buundadan cusub, oo ah tii labaad ee ay yeelato caasimadda Puntland, waxay door muuqda ka qaadan doontaa horumarinta isku socodka bulshada iyo kobaca dhaqaale ee gobolka, iyada oo lagu xoojinayo isku xirka gobollada dalka.
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta JFS, Mudane Dr. Elmi Mahamoud Nur, ayaa si weyn u bogaadiyey dhismaha buundadan, taas oo uu ku tilmaamay mid ka mid ah mashaariicda ugu waaweyn ee dalka laga hirgeliyo tan iyo burburkii. Wasiirku wuxuu carabka ku adkeeyay in buundadani ay astaan u tahay isbeddel dhab ah oo ka socda dalka, gaar ahaan xagga horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si rasmi ah xariga uga jaray Buundadan. Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay Bangiga Adduunka iyo dhammaan daneeyeyaasha mashruucan, isaga oo ammaanay sida hufan ee ay masuuliyadda uga soo dhalaaleen dhismaha buundada iyo wadooyinka kale ee casriga ah ee la socda.
Mashruucan dhismaha buundada waxaa iska kaashaday Mashruuca Nagaad ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, Maamulka Degmada Garoowe iyo Bangiga Adduunka oo si toos ah u maalgeliyay.