Mashiinka goolasha kooxda Manchester City ee Erling Haaland oo si cad uga hadlay koobka uu xooga saari doono sidii uu City ugula guuleysan lahayd.

0
139

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Mashiinka goolasha kooxda Manchester City ee Erling Haaland ayaa si cad uga hadlay koobka uu xooga saari doono sidii uu City ugula guuleysan lahayd.

Haaland ayaa qaabkii ugu wanaagsanaa ku bilawday nolosha Man City isagoo durba 28 gool leh walow uu ciyaarihii ugu dambeeyay soomanaa.

Haaland ayaa dhawaan kasoo muuqday majalada GQ wuxuuna waraysi uu siiyay ku sheegay in koobka ugu xiisaha badan Yurub ee Champions League uu yahay midka uu awoodiisa oo dhan isugu geyn doono ku guuleysigiisa.

Erling ayaa yidhi “Waxaan iskugu gayn doonaa waxkasta oo awoodayda ah si aan koobab ugu guuleysto halkan Manchester City oo waxaan isku dayi doonaa inaan noqdo midka kulamada bedela, ujeedkaygu waa ku guuleysiga Champions League”.

Markale Haaland oo ka hadlaya xulkiisa Norway ayaa sheegay inay yihiin dal yar balse ay jiraan dalal yar yar oo wacdarro ka dhiga Koobka aduunka.
“Norway waa dal yar oo yar, 5.5 Milyan dad ah, waxaan filayaa inay ka yar yihiin. Markaa ma nihin dal weyn balse markale waxaad Koobka aduunka ku arkaysaa dalal yar yar oo waxyaabo cajiib ah sameeya”.

“Waxaanu rajaynaynaa inaanu usoo baxno (Koobka aduunka 2026) taasi waa rajadayda ugu weyn ee aan iyaga ka qabo, waxaan ku rajo weynahay inaan maalin kulamada wareegyada bug-baxa la ciyaari doono Norway”.