Mashaariic horumarineed oo laga dhagax dhigay Deegaanka Deg-Alima

0
171
Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare ee Jubbaland Cabdinaasir Seeraar Maax iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka mid yihiin Maamulka degmada Dhoobley, Taliyaha Amniga Dhoobley, Guddoomiyaha Maxkamadda degmada iyo saraakiil kale ayaa booqday tuulada Deg-Alima ee hoos tagta degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose.
Wafdigan ayaa tuulada ka dhagax dhigay mashaariic horumarineed oo ay ka mid yihiin School, Labo Rug Boolis iyo saddex xarumo caafimaad, Sidoo kale Waxa ay la kulmeen maamulka Tuulada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.